Adiga aragtidaadu sidee tahay?
Shaashadaha kala baxaya ma u aragtaa mustaqbalka laptop-yada, mise waa hal-abuur dhicis noqon doona?
Lenovo ThinkBook Plus Gen 6 Rollable, waa laptop leh shaashad si toos ah isu ballaarinaysa, shaashaddu waxay ka kordhaysaa 14-inch ilaa 16.7-inch, taas oo ku siinaysa ku dhawaad 50% meel shaqo oo dheeraad ah.
Shaashaddan waxaa lagu sameeyay flexible OLED technology, taas oo u oggolaanaysa inay ka soo roganto gudaha laptop-ka.
Fikradda ka dambeysa waa in laptop-ku noqdo mid yar marka la qaadayo, laakiin marka aad adeegsaneyso uu kuu noqdo shaashad weyn oo ku habboon multitasking.
Aniga aragtidayda, waxaan u arkaa hal-abuurnimo muujinaysa jihada ay laptop-yadu u socon karaan mustaqbalka.
Isla markaana, wali ma cadda in teknoolojiyadan ay noqon doonto mid guuleysata oo ay shirkadaha kale ku dayan doonaan.
Laptop-kan waxaa la filayaa inuu kusoo baxo qiyaastii $3,500, waxaana markii ugu horreysay lagu soo bandhigay CES 2025.