Back to News
Tech News

Horay ma u aragtay Laptop shaashaddiisu is ballaarinayso?

Date

Apr 4, 2026

Read

5 min read

Horay ma u aragtay Laptop shaashaddiisu is ballaarinayso?
Welcome & Introduction

Adiga aragtidaadu sidee tahay?

Shaashadaha kala baxaya ma u aragtaa mustaqbalka laptop-yada, mise waa hal-abuur dhicis noqon doona?

Horay ma u aragtay Laptop shaashaddiisu is ballaarinayso? image 1

Lenovo ThinkBook Plus Gen 6 Rollable, waa laptop leh shaashad si toos ah isu ballaarinaysa, shaashaddu waxay ka kordhaysaa 14-inch ilaa 16.7-inch, taas oo ku siinaysa ku dhawaad 50% meel shaqo oo dheeraad ah.

Horay ma u aragtay Laptop shaashaddiisu is ballaarinayso? image 2

Shaashaddan waxaa lagu sameeyay flexible OLED technology, taas oo u oggolaanaysa inay ka soo roganto gudaha laptop-ka.

Fikradda ka dambeysa waa in laptop-ku noqdo mid yar marka la qaadayo, laakiin marka aad adeegsaneyso uu kuu noqdo shaashad weyn oo ku habboon multitasking.

Aniga aragtidayda, waxaan u arkaa hal-abuurnimo muujinaysa jihada ay laptop-yadu u socon karaan mustaqbalka.

Isla markaana, wali ma cadda in teknoolojiyadan ay noqon doonto mid guuleysata oo ay shirkadaha kale ku dayan doonaan.

Laptop-kan waxaa la filayaa inuu kusoo baxo qiyaastii $3,500, waxaana markii ugu horreysay lagu soo bandhigay CES 2025.

Leave a Comment

Comments

Don’t miss future events and conversations

Subscribe to stay updated on upcoming events, workshops, and media appearances.

Subscribe Now