Soomaaliya waxay 2024 gaartay 77.5 dhibcood dhanka nidaaminta ICT-da, taas oo muujinaysa horumar dhijitaal ah oo muuqda.
Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay nidaaminta ICT-da, sida lagu sheegay xogta International Telecommunication Union ee ICT Regulation Tracker.
Warbixintu waxay muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday 0.0 dhibcood sanadkii 2007, iyadoo gaartay 77.5 dhibcood sanadkii 2024.
Kororkan ayaa ka tarjumaya isbeddelka ka dhacay dhanka nidaamka isgaarsiinta, sharciyeynta suuqa, iyo dhismaha hay’adaha la xiriira tiknoolajiyadda.
Horumarkan wuxuu muhiim u yahay kobaca adeegyada dhijitaalka ah, tartanka suuqa, ilaalinta macaamiisha, maalgashiga, iyo horumarinta adeegyada isgaarsiinta dalka.
Soomaaliya waxay sanadihii dambe qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamka ICT-da, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada dhijitaalka ah iyo kaabayaasha tiknoolajiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro badan ayaa tilmaamaya in weli loo baahan yahay in la sii xoojiyo tayada internet-ka, helitaanka adeegyada caalamiga ah, nidaamyada lacag-bixinta, xirfadaha dhijitaalka ah, amniga internet-ka, iyo wacyigelinta bulshada ee isticmaalka tiknoolajiyadda.
Horumarka Soomaaliya ka sameysay nidaaminta ICT-da ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka noqon karta kobaca dhaqaalaha dhijitaalka ah, haddii lagu daro maalgelin joogto ah, sharciyo shaqeynaya, iyo adeegyo dadweyne oo si fiican uga faa’iideysta tiknoolajiyadda.
Ka soo kabaso burbur oo isku rogay kobac dhijitaal oo xooggan, Soomaaliya waxay muujineysaa in nidaam dhisan uu fure u yahay horumar tiknoolajiyadeed oo waara.