DJI ayaa soo saartay DJI Osmo Pocket 4, oo ah kaamirad yar oo leh horumar muuqda sida 4K 240fps slow motion, sawirro 37MP ah iyo 108GB oo storage gudaha ah.
DJI ayaa isbuucan soo saartay kaamiradda DJI Osmo Pocket 4 oo ah mid cajiib ah aadna u horumarsan.
Kaamiradan cusub waxay si weyn uga horumarsan tahay tii ka horreysay, gaar ahaan dhinacyada ugu muhiimsan ee ay daneynayaan dadka muuqaallada duuba.
Waxay duubi kartaa 4K gaaraya ilaa 240fps, halka middii ka horeysay ay ahayd 120fps.
Sidoo kale tayada sawirrada ayaa si weyn loo kordhiyay, middan waa 37MP, halka Pocket 3 ay ahayd 9MP.
Waxaa intaas dheer, kaamiraddan waxay middii hore dheertahay inay leedahay 107GB oo storage, taas oo meesha ka saaraysa baahida joogtada ah ee memory card-ka, isla markaana ka dhigaysa isticmaalka mid fudud.
Battery-ga ayaa xoogaa yar la kordhiyay (1,545mAh vs 1,300mAh), halka fast charging-ku uu awood u leeyahay inuu camera-da ku buuxiyo 32 daqiiqo gudahood.
Marka la isku daro dhammaan isbeddellada ku cuusub kaamiraddan, DJI Osmo Pocket 4 makraan waxaa lagu sameeyay is badal dhab ah oo si gaar ah ugu habboon vloggers, Travelers, iyo qof kasta oo si joogto ah u sameeya content isaga oo ku sugan meelo kala duwan.
Adiga?
Ma ka mid tahay dadka xiiseeya kaamiradan, mase jeclaan lahayd inaad iibsato?