Back to News
Tech News

Google I/O 2026: Google's AI Takes a Surprising Step

Date

May 19, 2026

Read

5 min read

Google I/O 2026: Google's AI Takes a Surprising Step
Welcome & Introduction
Google I/O 2026: Google's AI Takes a Surprising Step

Google I/O 2026, oo ah bandhigga sanadlaha ah ee shirkadda Google, ayaa xalay qabsoomay.

Bandhiggan waxaa lagu soo bandhigay horumarro badan oo cusub oo ay Google ka gaartay dhinaca AI, Search, Gemini, iyo adeegyada kale ee shirkadda.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigay waxaa ugu horeeyay cusbooneysiin xooggan oo lagu sameeyay Gemini, iyadoo app-ka Gemini uu gaaray in ka badan 900M oo qof oo bil kasta isticmaala.

Google Search-kii aan naqaannay hadda wuu is badaly oo wuxuu si toos ah ugu shaqeyn doonaa AI, sidoo kale waxaa lasoo saaray Gemini 3.5 Flash, oo ah modelka loogu talagalay wixii coding, research iyo shaqooyinka waaweyn.

Midka ugu xiisaha badan ee aniga iga ssoo jiitay bandhigga waa Gemini Spark, oo ah AI agent lamid ah claude cowork iyo Codex, waxaad ku qabansan karta shaqooyin sida email diyaarinta, xog uruurinta, jadwal sameynta iyo hawlo kale oo ka badan.

Dhanka hal-abuurka, Google waxay soo bandhigtay Gemini Omni, oo ah AI cusub oo s oo aad u baahantahay kaliya codkaaga si aad u abuurto ama u beddesho video tayo sare leh.

Waxaa cajiib ah in video-ga lagu edit-gareyn karo hadal caadi ah, tusaale waxaad dhihi kartaa “background-ka beddel” ama “muuqaalka ka dhig mid cinematic ah”.

Fariinta ugu muhiimsan ee aan ka qaatay bandhiggan waa in AI uu si degdeg ah uga baxayo “wax i weydii” una gudbaayo “Maxaan kuu qabtaa” waana fursad wayn oo uu qof walba ka faa’iideysan karaa haddii uu barto sida saxda ah ee loo adeegsado.

Adiga ma daawatay Google I/O 2026? maxaa ku xiiso geliyay waxyaabaha ay Google soo bandhigtay?

Leave a Comment

Comments

Don’t miss future events and conversations

Subscribe to stay updated on upcoming events, workshops, and media appearances.

Subscribe Now