Mustaqbalka Ganacsiga & AI – Khudbad aan ka jeediyay Young Business Leaders Summit
Waxaan ka qayb galay Young Business Leaders Summit oo aan kaga hadlay saameynta AI ku leeyahay mustaqbalka ganacsiga iyo fursadaha dhalinyarada.
31/03/2026
16:00
Farxad ayay ii ahayd inaan ka qayb galay Young Business Leaders Summit, oo ay soo agaasimeen Icon Business Coaching, isla markaana ay kasoo qayb galeen boqolaal ganacsato dhalinyaro ah.
Mustaqbalka Ganacsiga
Saameynta AI
Fursadaha Dhalinyarada
Q&A & Discussion
Closing
Kulankan waxaan martida u jeediyay cinwaan muhiim ah:
👉 “Mustaqbalka Ganacsiga iyo Saameynta Garaadka Macmalka ah (AI)”
Waxaan la wadaagay fikirro iyo aragtiyo ku saabsan:
Sida uu AI u beddelayo ganacsiga
Fursadaha cusub ee u furan dhalinyarada
Sida aan uga faa’iideysan karno teknolojiyadda si aan ugu hormarinno ganacsiyadeenna
Bandhiggu wuxuu ahaa mid xiiso badan oo aad loogu kala faa’iideystay, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo muhiim ah.
👉 Muuqaalka oo dhammaystiran ka daawo halkan: